4″ November “2022
Taliye Odawaa ayaa haatan waxaa uu kulamo la leeyahay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah, isagoona hadlaya howlgalada ka socda Gobolka iyo sidii loo dardar-gelin ahaa howlgaladaas.
Ciidamada dowladda iyo kuwa macwiisleyda ah ayaa maalmo kahor qabsaday deegaanka Masaajid Cali Guduud, halkaas oo Al-shabaab in muddo ah ay ku sugnaayeen, iyadoo deegaankana ay isaga barakaceen dadkii deegaanka ee joogay.
Degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob muhiim ah oo Al-shabaab ay ka difaacaan Xaruntooda weyn ee degmada Aadan-yabaal, iskuna xirta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Socdaalka mas’uuliyiinta ayaa daaran dardar galinta howlgalka xoreynta deegaanada Al-shabaab kaga sugan tahay deegaano kamid ah Shabeellaha Dhexe, waxaana deegaankaas ka socda dhaqdhaqaaq xoog leh.
Dowladda Oo Faah Faahin Ka Bixisay Dagaalo Khasaaro Badan Dhaliyey Oo Ka Dhacay Hiiraan
Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor kuna sugan deegaanka Ma壯陽藥 saajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aroornimadii saaka gubay gaari Layla calaawi ah oo Al-shabaab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo.
Taliyaha Guutada 17-aad G/le dhexe Dayax Cabdi Cabdule ayaa u xaqeejiyay warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga warhaayey sidaasna loogu gubay inta uusan soo Gaarin fariisinka Ciidanka gaarin.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyey dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri.
Wuxuu sheegay Afhayeenka in dagaalo saacado badan socday ay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Ceel-Hareeri, uuna ka dhashay khasaaro farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada Al-shabaab looga dilay 100-xubnood, halka dhankoodana uu gaaray khasaaro Ciidamada, waa sida uu hadalka u dhigay Jeneraal Caanood oo intaas kusii daray in dagaalka ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed.
Gaba-gabadii Afhayeenka ayaa tilmaamay in gurmad Ciidan oo Al-shabaab u soo socday xalay wadada loogu galay deegaanka Garas Magan, isla markaana uu ka dhacay iska horimaad, ayna Ciidankaas gurmadka ahaa dib ugu laabteen degmada Aadan-yabaal.