George Floyd: “Ha i dilina waxaan ahay qof aan dambi gelin”

1 ‘ April ” 2021″ Bbcsomali

Maxkamadda dacwadda George Floyd qaadeysay ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo lagu duubay kaameerooyinka boliska dilka u geystay ay siteen laga helay, wuxuuna muuqaalka muujinaya Floyd oo leh “aniga qof xun ma ihi” wax dambi ahna ma gelin.

Muuqaalka oo lagu soo bandhigay maxkamadda lagu qaadayey dacwadda maalinta seddexaad ku socota askarigi hore ee booliska ka tirsanaa Derek Chauvin, waxaa laga dheehanayey Floyd oo geeridiisa ka hor askarta baryaya oo leh dambiila ma ahi, qof xunna ma ihi.

Muuqaalkanna sida oo kale waxaa lagu arkayey Chauvin oo in kabada 9 daqiiqo qoorta Floyd jilibka kaga haya.

Dilka 2020-kii George Floyd loo geystay waxaa ka dhashay mudaharaadyo dunida oo dhan ka dhacay oo cunsuriyadda booliska looga soo horjeedo.

Chauvin oo ah askariga dilka Floyd loo haysto oo ay da’diisu tahay 45 jir ayaa beeniyey eedeymaha dilka arxan-darrada ah uu u geystay George Floyd.

Garsoorayaasha eedeysanaha difaacayana waxay ku doodayaan Floyd oo ay da’diisu ahayd 46 jir in dawo xad dhaaf ah uu isticmaalay xaaladdiisa caafimaadna ay wanaagsaneyn ayna suuragal tahay in xoogna lagu maquuniyey.

Dadka dhageysiga dacwadda goob joogga u ahaa waxay sheegeen muuqaalka maxkamadda lagu soo bandhigay iyo ficilladi uu Floyd muujiyey geeridiisa ka hor iyo kaddibba ay dhici karto xeer ilaaliyeyaasha iney geeridiisa la xiriiriyaan iney daroogada qayb ka qaadatay.

Muuqaalka maxaa laga dheehanayaa?

Muuqaalka maxkamadda lagu soo bandhigay waxaa laga helay kaameerooyinki ku xirnaa tuutaha ay siteen seddexda sakari ee kala ah Thomas Lane, J Alexander Kueng iyo Tou Thao.

Halka Chauvin kaameeraddiisa aan muuqaal laga helin maadaamaa uu isagu Floyd uu dhulka ku celinayey kaameeradiisana ay foorartay oo muuqaalka kale ay duubin.

Muuqaalka askariga Lane laga helay wuxuu muujinayaa Floyd oo booliska la doodaya. Isaga oo baryaya oo leh “Fadlan ha dilina…hooyadeey ayaa dhawaan iga geeriyootay.”

Mr Floyd oo katiinadeysan wuxuu labada askari ee kala ah Lane iyo Kueng uu ka codsanayey, isaga oo leh “hadalkiinna kama hor imanayo, waxaad samee i tirahdaanna waan sameeynayaa.”

Muranka Floyd iyo booliska wuxuu billaawday marki ay boolisku billaabeen iney gaariga geliyaan isagana uu diidday inuu gaariga booliska galo.

Derek Chovin
Qoraalka sawirka,Askariga dacwadda dilka lagu soo oogay Derek Chovin

Xilli uu iskudayga xarigga Floyd uu socda ayey goobta soo gaareen Chauvin iyo Thao.

Askarta booliska marki ay damceen iney gaariga ka soo jiidaan oo ay dhulka jiifiyaan, Floyd wuxuu ku dhawaaqayey ereyo muujinaya hooyadii iyo qoyskiisa inuu jecel yahay.

Markhaatidu maxakamadda horteeda maxay ka sheegeen?

Christopher Martin oo 19 jir ah oo dukaan ku lahaa goobta uu dilka Floyd ka dhacay wuxuu sheegay inta ay boolisku xirin waxyar ka hor inuu Floyd dukaanka ugu yimid uuna ka iibsaday wax la cuno.

Wuxuuna Martin sheegay inuu ahaa nin furfuran oo awood u leh inuu qofka uu hadal uu ku qanciyo. Wuxuuna Floyd ku tilmaamay inuu ahaa mid saaxibtinimo leh oo dadku ay jecleysanayaan iney u dhawaadaan.

Muuqaal kale oo laga helay dukaammo goobta dilka looga geystay ka agdhawaa ayaa sida oo kale muujinaya Folyd oo dad la sheekeysanayo oo goobahaasina socsocda.

Mr Martin wuxuu xeerbeegtida u sheegay inuu baakad sigaar ah uu ka iibiyey balse uu u dhiibay lacag been abuur ah.

Martin wuxuu intaa ku daray lacagta been abuurka ah midabkeeda iyo qaabkeedaba in si fudud loo ogaanayey iney been abuur tahay, balse uu Floyd u muuqday mid aan ogeen lacagtaasi iney tahay mid been abuur ah.

Markhaatida maxkamadda hortagtay
Qoraalka sawirka,Markhaatida maxkamadda hortagtay

Kiiskan maxaa muhiim ka dhigay?

Muuqaalka muujinaya Derek Chauvin oo qoorta jilibka kaga haya dunida oo dhan ayaa laga daawaday.

Dad badanna waxay aaminsan yihiin dilka ay boolisku u geysteen Floyd iney astaan u tahay arxan darrada ah, gaar ahaanna dadka laga tirada badan yahay ee midabkooda ama waxyaaba u gaar ah lagu beegsado, dhacdaasina ay ka dhalataya mudaharaadyo dunida oo dhan ka dhacay.

Balse qayladhaanta dunida ka soo yeertay ma noqon mid kiiskan xiran wax ka beddesho.

Mareykanka gudahiisana marar dhif ah ayaa booliska loo xukumay dilal ay u geysteen qof shacab ah xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo, xata ahaddii dacwad lagu soo oogo.

Mareykanka gudahiisa, booliska inta badan looma xukumo dhimashooyinka dhaca inta ay ku guda jiraan gudashada waajibaadkooda, haddii la soo eedeeyo dhammaantood.

Xukunka kiiskan ka soo baxa ayaa loo arki doonaa inuu noqdo mid muujiya sida nidaamka sharciga Mareykanka uu ula dhaqmo dhimashada dhacda inta ay dadku ku jiraan gacanta booliska.

George Floyd

George Floyd inta uusan dhiman 30 daqiiqo ka hor maxaa dhacay?

Dadkii goob joogga u ahaa dhacdadaas iyo muuqaalladi laga duubay waxaa la ogaaday arrimahan hoos ku xusan.

George Floyd dukaan lagu magaacbo Cap Foods ayuu ka iibsaday sigaar. Shaqaalihi dukaanka ka shaqeynayey ayaa booliska wacay una sheegay inuu Floyd uu siiyey 20 doolar oo bug ah.

George Floyd oo ku dhashay Texas ayaa sanada badan ku noolaa Minneapolis.

Wuxuu wakhtiyadi ugu dambeeyey uu ka shaqeeynayey maqaayad inkastoo si la mid ah malaayiinta qof ee Mareykanka ku nool uu saameeyey Covid-19 oo uu shaqa la’aan ahaa.

George wuxuuna in mudda ah uu macamiil u ahaa dukaanka Cup Foods oo uu inta badan wax ka iibsan jiray.

Mulkiilaha dukaanka Mick Abumayeleh wuxuu NBC u sheegay inuu dukaankiisa macamiil u ahaa, uuna ahaa nin ixtiraam badan oo dadka aad u soo dhaweysta. Balse maalinta ay dhacadaasi foosha xun dhaceysay mulkiilaha dukaankiisa wuu ka maqnaa.

Wiil dhalinyara ah oo dukaanka ka shaqeeya ayaa ka shakiyey 20-ka doolar uu wax kaga iibsaday Floyd kadibna wacay lambarka booliska 911. Sida ay tilmaameyso xogta laga helay diwaanka wicitaanka la duubay ee boolisku keydiyay wiilka yar ayaa booliska u sheegay inuu ka dalbaday Floyd inuu u soo celiya sigaarka, balse Floyd-na uu diiday.

Wiilka dukaanka iibinayeyna wuxuu intaa ku daray George Floyd inuu u ekaa qof khamreysan, oo ahaa qof aan iskoontarooli karin.

8 daqiiqo marki ay ka soo wareegtay xilliga Booliska la wacay ayey boolisku goobti laga soo wacay soo gaareen. Xilligaasina George Floyd iyo laba qof oo kale ayaa gaari taagan ku wada jiray.

Booliska marka ay gaariga ku dhawaadeen waxaa qori la soo baxay askariga lagu magacaabo Thomas Len i Floyd oo ku amray inuu gaariga ka soo dego. Ma cadda sababta askariga ku kalliftay qof aan hubeysneen inuu bistoolad ula soo baxa

Thomas Len oo xeer ilaaliyaha uga warramay wixi dhacay wuxuu sheegay “inuu ku yiri gaariga ka soo deg ” intaa kaddibna “George Floyd diidmo ayuu muujiyey taasoo horseeday in gacmaha laga xiro” ayuu yiri.

14 daqiiqo kaddib ayuu Derek Chovin oo ah askeriga dilay Floyd uu goobta soo gaaray.

Isaga iyo askari kale xilli ay isku dayayeen iney gaariga booliska saaraan, ayuu Chovin, George Floyd daqiiqaddi 19-aad uu dhulka ku celiyey jilibkana uu qoorta ka saaray.

Gabar dhacdadaasi goob joog u ahayd waxay duubidda dhacdada billaawday George Floyd marka u dhulka ku dhacay isaga oo gacmaha ka xiran.

George wajigiisa aragagax iyo degganaasha la’aan ayaa laga akhrisanayey. Daqiiqadihi noolashiisa u dambeysayna muuqaalka caalamka oo dhan gaaray ayaa laga dheehanayaa.

Muuqaalkana waxaa lagu arkayey George oo leh “waan neefsan la’ahay” mararka qaarna wuxuu ku dhawaaqayey “hooya iga soo gaar”, “fadlan, fadlan, fadlan” isaga oo leh.

Xogta laga helay xeer ilaaliyaha kiiska gacanata ku haya waxay sheegeysaa ku dhawaad 9 daqiiqo (8 daqiiqo iyo 46 ilbiriisi) askariga inuu Floyd jilibka qoorta kaga hayey.

Leave a Reply