Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey lava heshiis oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay la gaartay dalalka Shiinaha iyo Qatar.
Heshiiska 1-aad ee Shiinaha ayaa wuxuu ku saabsan yahay hirgalinta hindisaha horumarinta adduunka, halka heshiiska 2-aad uu yahay is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.
Shirka oo uu guddoominaayey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan halka uu marayo qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029) iyo bulshada bariga Afrika.
Waxaa kale oo warbixin looga dhagaystay wasaaradda beeraha oo ka warbixisay wax-soo saarka dalka iyo xaaladda beeraleyda Soomaaliyeed.
Diyaarinta qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025-2029) ayaa maalmihii dambe si habsami leh uga socday xarunta Hangarka Afisyoone, halkaasi oo shalay uu kormeer ku tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Xukuumadda Dan-Qaran ayaa doonayso in dalkeena loo jiheeyo dhanka horumarka, tayeynta hay’adaha dowladda iyo nidaamka casriyeynta oo wax badan ka beddeli doona qorshaha la doonayo in qaranka lagu horumariyo, sida uu shaaciyay ra’iisul wasaare Xamza.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dib u eegis lagu samayn doono dhismaha iyo sharciyada ha’yaddaha fulinta si dalkeenu ula jaanqaado dunida horumartay, iyadoo qorshuhuna yahay in xukuumadda ay dalka ku hogaamiso wax-qabad muuqda oo bulshada u riyaaqdo.