8″ January ” 2022″ Dheeho” Webmaster
<壯陽藥 !– /wp:paragraph –>Urursiga sarakiil dhalinyaro ah iyo shaqsiyaad dhaqaale lagu howlgaliyay ooy Muqdisho ka wadaan fahad yaasiin iyo farmaajo ayaa shaki galiyay dad badan oo soomaali ah kuwaas oo rumeeysan in uu jiro abaabul dagaal ka dhan ah dadka ka soo horjeeda madaxweynaha xilka ka dagaya ee maxamed cabdulaahi farmaajo
General saadaq oo hory uga soo horjeestay iskudayga mudo kororsigii farmaajo ee 12 ka April 2021 ka ayaa hada looga yeeray madaxtooyada
Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulanku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho. Qof kale oo Saadaq Joon ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay kulanka labada masuul.
Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan shalay dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Kulankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Saadaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.
Saadaq ayaa xilligaas ku sheegay muuqaal lagu baahiyay warbaahinta gudaha in uu hakiyay kulan ay yeelan lahaayeen Golaha Shacabka oo looga doodayay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo faray xildhibaanada inay dib ugu noqdaan deegaan doorashooyinkooda. Saadaq Joon ayaa markaas ahaa taliyaha ciidamada booliska, iyadoo shaqadii laga eryay wax yar kadib hadalkiisa. Maalmo kadib na, madaxweyne Farmaajo ayaa ka xayuubiyay dhammaan darjaooyinka ciidan Janaraal Saadaq Joon.
SIYAASIGA C/RAXMAN C/SHAKUUR OO KA DIGAY ABAABUL DAGAAL OO FARMAAJO UU KA WADO MUQDISHO
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu wado abaabul dagaal iyo fashilinta shirka Wadatashiga Qaran.
Qoraalo uu soo dhigey todobaadkan horaantiisii bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxman cadishakuur kusheegay Farmaajo inuu wado Kicin iyo dhiillo abuur qabiil, Isaga oo yiri ” Inta Farmaajo uu heli karo dhaqaale iyo awood ciidan dalku shiddo ka bixi maayo ayuu yiri” Siyaasiga C/raxman C/shakuur oo farmaajo Ku eedeeyay in uu wado kicin ,abaabul dagaal iyo dhiilo qabiil
Midowga Musharrixiinta oo Farmaajo Ugu Baaqey In Uu Villada Banneeyo
Arinta ugu weeyn ee dagaal isu diyaarinta farmaajo ayaa soo xoogaysatay wixii ka dambeeyay markii midowga musharxiinta ugu baaqeen in uu baneeyo xaafiiska eeyo
War-saxaafadeedka ay soo saareen midowga musharxiinta ayaa farmaajo ugu baaqayay in uu Villada banneeyo, iyaga ku cambaareeayay waxa ay ugu yeereen isku daygii Afgambi oo Ciidan ka amar qaata farmaajo ay kula wareegeen Xafiiska R/Wasaare Rooble.
Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada, ayuu yiri Sharif shiiq axmed madaxweynihii hore ee somalia oo hoosta ka xariiqay in Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo ay halis ku yihiin jiritaanka dowladnimada iyo xasiloonida somalia markii ay sifbaxday dhacdadii R/waaraha looga horjoogsaday xaafiiska .
WEL,WEKA LA QABO
Somalia oo ku jirta xili kala guur ah waxaa uu harsan kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, iyo in la saxo wixii ka khaldamay taas oo loo igmaday hogaaminteeda RW Rooble oo kulan isugu keenay golaha wadatashiga qaran, balse 4 ka mid ah 6 da maamul,goboleed dadaal la doonayo in lagu dardargaliyo doorashada dalku aaday tiiyoo saasaanka muuqda qarka u saaran in lagu kala taago kulanka Muqdisho loo fadhiyay maalmahan ee wadatashiga qaran
Arimaahs iyo kuwa kale oo badan waxay welwel ku abuurtay bulshada soomaalia iyo beesha caalamka iyada,oo ay baqdintu tahay in dalku dib ugu laabto fowdo iyo burbur sida ka dhacday Ethiopia markii doorasho boob ah uu qabtay Abiy oo saaxiib dhaw la,ah farmaajo oo mucaardku ay sheegayaan in uu ku jiro ciidan iyo hub ururusi ay maalgalinayso Dowlada Qatar
Gogolxaarka fahad iyo geediga saadaq John oo gaaray farmaajo gunaanadkiisu waxa uu noqon karaa budhiga masiibo haysta maalgalinta Qatar ”
MAXAA LA GUDBOON SOOMAALIDA?
Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye.