18″ November “2022
Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay ayaa sii kordhiyey Cunaqabateynta hubka ee Saaran Somalia iyaga oo ku gacan seeyray codsigii Somalia uu golaha la hortagay Dheeho.com
Danjire Abuukar Cismaan Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, oo xalay khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee Qa壯陽藥 ramada Midoobay oo looga hadlay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya aya waxa ay noqotay in goluhu ka soo horjeesto soo jeedintaas oo somalia ay ku dooneysay ahimyad in ay siiso amnigeeda gudaha iyo dagaalka ay kula jirto argagixisada
Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heshay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka inkastoo la kordhiyay
Qaraarkan oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.
Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.
Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.