4- February-2024
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda ku xalliyaan IGAD iyo AU, sida uu shaaca ka qaaday Amb. Meles Alem, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya
. Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay IGAD ka codsatay in la isugu yeero shir kale oo looga hadlayo heshiiskii badda ee bishii hore ka dhacay Muqdisho.
IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah ka soo saarin codsiga Itoobiya. 29-kii Janaayo, Golaha Ammaanku wuxuu yeeshay kulan cinwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Ammaanka Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay kulanka.
Hase yeeshee, Goluhu wax tafaasiil a壯陽藥 h kamay bixin shirkaas. Soomaaliya oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa golaha ammaanka ugu baaqday inay wax ka qabtaan faragelinta Itoobiya, iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu xad-gudub ku yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Meles, ayaa si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan helitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale.
Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin ku saabsan nabadda iyo amniga.
Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Meles.