Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo codeynaya qaraarka ku aadan Hawlgalka badalaya ATMIS ee Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa manata isugu imaanaya sidii ay ugu codeyn lahaayeen qaraarka ku aadan Hawlgalka kan ATMIS ee Soomaliya waqtigiisu dhamaanayo.

Sida uu sheegay goluhu, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa ay ka qayb gali doonaan kulankaan lagu codeynayo.

Howlgalka ATMIS oo ahayd in uu dhamaado sanadkaan ayaa waxaa uu soo afjarmi doonaa 31 da Bishan aan ku jirno ee December, taas oo ah waqtiga uu ku egyahay mudadii loo kordhiyay dhawaan ee ay codsatay dowladda Soomaaliya.

Qaraar qabyo ah oo ay diyaarisay dowladda Ingiriiska ayaa ah mid lagu taageerayo go’aanka Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika kaas oo lagu badalayo howlgalka ATMIS, laguna badalayo howlgal cusub oo lagu magacaabo Howgalka Teegerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM).

Qaraarkaan ayaa waxa uu sheegayaa in loo ogolaanayo in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay daabulaan 12,626 askari oo labisan kuwaas oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka mid noqonaya howgalka AUSSOM. Howshaan ayaa qorshaha haatan yahay in ay soo gaban gabowday ilaa iyo 30 ka bisha June ee sanadka 2025.

Waxa kale oo la sheegay in howgalka ATMIS uu dhameeyay qorshihii uu shaqada ugu wareejin lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee horay loo oran jiray AMISOM ay markii dambe isku badalay ATMIS, waxaana haatan la filayaa in uu dhaqan galo kan cusub AUSSOM.

Ciidamada ka qaybta ah howlgalladaan ayaa waxaa laga kala keenaa wadamo badan oo Afrikaan ah.

Qorshaha howlgalka cusub ayaa waxaa la filayaa in uu soo dhamaado maalmo gudahood.

Dowladda Masar ayaa dhawaan shaacisay in ay qayb ka noqon doonto howlgalkaan cusub, iyada oo Soomaaliya ay horay u shaacisay in ay soo dhawayneyso codsiga Masar.

Dhanka kale Itoobiya oo maanta la sheegay in ay ka qayb galeyso kulankaan codeynta ayaa horay u muujisay doonitaankeeda ah in ay qayb ka noqoneyso howlgalka cusub ee dhawaan ka bilaabmi doona Soomaaliya.

Itoobiya ayaa waxa ay 3,000 oo askari horay u geysay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa howlgalka dhamaanaya ee ATMIS.

UN

Balse, kadib xiisaddii ka dhex dhalatay labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa waxa uu Lataliyaha Amniga Qaran ee Soomaaliya, Xuseyn Macalin sheegay, in Itoobiya ay kala baxayso Soomaaliya dhamaan ciidamadeeda hadii ay ka noqon wayso heshiiskii is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland.

Heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen horraantii sanadkaan sii dhamaanaya ayaa Geeska Afrika geliyey xaalad adag oo muran sababtay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay in heshiiskaas, uuna ku xad-gudbayo qaranimadeeda.

Intaa ka dib, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aysan ku lug yeelan doonin howlgalka nabadda, xasilloonida iyo taageerada ee cusub ee Soomaaliya uu ka bilaabi doono Midowga Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, kadib is fahmi waa muddo sanad ku dhawaad ah socday kadib, ayaa waxaa heshiis ku gaaray magaalada Ankara madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo uu garwadeen ka ahaa madaxweynaha Turkiga.

Heshiiskii Ankara ee ay kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxa lagu yiri: “Soomaaliya waxay aqoonsan tahay naf-hurnimada ay sameeyeen ciidamada Difaaca Itoobiya ee loo diray dalkooda iyagoo howlgalka Midowga Afrika ka socda”