9-Oct-2023
Golaha Ammaanka oo ku kala qeybsamay dagaalka Israel iyo Xamaas
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo isfaham ka gaari waayay in la cambaareeyo weerarka kooxda Xamaas ay ku qaaday Israel.
Arrinkan ayaa yimid kadib kulan deg deg ah oo uu albaabka u xirnaa oo ay isugu yimaadeen Golaha xalay. Kulanka kahor, Mareykanka ayaa xubnaha Golaha Ammaanka oo dhan ka codsaday inay si adga u cambaareeyaan weerarka Xamaas.
Kaaliyaha danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qaar ka mid ah xubnaha Golaha Ammaanka ay ka horyimaadeen cambaareyn wada-ogol ah oo loo jeediyo Xamaas, laakiin waxaa uu intaa ku daray in aysan arrinkaas hadda muhiim ba u ahayn Mareykanka.
Ma uusan magacaabin dalalka diiday, laakiin waxa uu weriyeyaasha u sheegay in ay aqoonsan karaan isaga oo magacyo sheegin.
Saameynta dhaqaale ee dagaalka Israel iyo Xamaas ee dunida
Walaac xoog leh ayaa laga muujiyay qiimaha shidaalka dunida ee cirka isku shareeyay kadib weerarka Xamaas ay ku qaaday gudaha Israel, taas oo laga yaabo inay saameyso wax-soo-saarka shidaalka ee bariga dhexe. Dad ka badan kun qof ayaa ku dhintay dagaalka oo lagu tilmaamay in uu yahay kii ugu xoogaanaa, uguna saameynta weyn ee Israel lagu qaado abid marka laga reebo dagaalkii dhexmaray Israel iyo dalalka Carabta dhammaadkii lixdameeyadii. Dagaalka ayaa saameeyay kaabeyaasha labada dhinac ba, iyada oo la baajiyay duulimaadyada caalamiga ah ee imaan jiray Israel.
Fuustada shidaalka ee suuqa Aasiya ayaa qiimaheedu ku kordhay 3 doolar saakay, xilli uu dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas uu galay maalintii saddexaad. Suuqyada Mareykanka waxaa waxaa ku korortay fuustada shidaalka lacag ku dhow afar dolar. Israel iyo Falastiin midkood na ma soo saaro shidaal, laakiin saddex meelood meel shidaalka dunida oo dhan ayaa laga soo saaraa dalalka bariga dhexe.
Dalalka reer galbeedka ayaa cambaareeyay weerarka. Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa BBC u sheegay inay taageero toos ah ka heleen Iran isaga oo ka hadlayay weerarka ay qaadeen. Iran waxay ka mid tahay dalalka shidaalka ugu badan soo saara, iyadoo la xiriirta weerarkan ay khatargelin karto ku dhawaad saddex boqolkeeda shidaalka dunidda.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa horey u saameeyay qiimaha shidaalka dunida oo gaaray halkii ugu sarreysay oo ahayd $120 doolar fuustadii sanadkii hore. Laakiin bishii May ee sanadkan ayuu hoos ugu soo dhacay ilaa $70 doolar fuustadii.
Xamaas iyo waxa ay dooneyso in laga yeelo maxaabiista ay ka qabatay Israel
Israel waxay sheegtay in aysan meel ku sheegin boqolaal dadkeeda, kuwaas oo loo diwaangeliyay inay maqan yihiin. Halka kooxda Xamaas ay sheegtay inay qabatay tiro dadka Israel ah oo ay sheegtay inay ku filan tahay inay dalbato in la sii daayo maxabiiska reer Falastiin.
犀利士 >Wakaalada Wararka Shiinaha ee Xinhua waxay baahisay in hoggaamiyeha Xamaas uu ku wargeliyay dowladda Qatar in kooxdu aysan diidaneyn in la gaaro maxaabiis is-dhaafsi horseedi kara in la sii daayo dhammaan maxaabiista dumarka ah ee Falastiin. Warku waxa uu intaas ku daray in Qatar ay hadda wado dhex dhexaadin deg deg ah oo arrimahan la xiriira iyada oo taageri ka dooneysa Mareykanka. 36 dumar reer Falastiin ah ayaa ku xiran xabsiyada Israel. Qatar wax war ah kama aysan dhehin arrinkan.
Israel iyo Xamaas ayaa sanadkii 2011 gaaray heshiis maxaabiis isweydaarsi ah, iyada oo xabsiyada Israel laga sii daayay 1,027 qof oo reer Falastiin ah si uu xorriyad u helo Askari Israel, Gilad iShalit oo shan sano u xirnaa Xamaas
BBC