Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay UNSOM

31 Tuesday “Aug” 2021″

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraar muddo -xileedka Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loogu kordhiyay muddo sagaal bilood ah

Dhammaan 15ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay qaraarkan oo lambarkiisu yahay 2592,waxayna si wadajir ah u cambaareeyeen weerarrada joogtada ah ee Al-Shabaab iyagoo ku booriyay madaxda Dowlada Faderaalka Soomaaliya, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay in ay si dhow uga shaqeeyaan xoojinta amniga ee xarumaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa waxa ay ka codsadeen UNSOM in ay joogtayso oo xoojiso saldhigyadeeda Soomaaliya oo dhan, iyada oo la raacayo shuruudaha amniga ee Qaramada Midoobay iyo sida xaaladda ammaanku u saamaxdo.

Qaraarku wuxuu muujinayaa sida qoto -dheer ee uu Golaha Ammaanku u taageersan yahay taageerada UNSOM ee dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta siyaasadda loo dhan yahay iyo u diyaargarowga doorashooyinka 2021 -ka, hannaanka dib -u -eegista dastuurka, dhexdhexaadinta, ka -hortagga iyo xallinta khilaafaadka, horumarinta boliiska iyo nidaamka cadaaladda oo la mideeyay, xoojinta sarraynta sharciga iyo dib-u-habaynta laamaha amniga, iyo isku-dubaridka taageerada dhisidda awoodda ee arrimaha la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Qaraarka ayaa muujiyay baahida loo qabo in Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay qaataan hab isku-dubbaridan oo isku duuban oo ku wajahan dib-u-habaynta siyaasadda iyo amniga oo ay Soomaalidu hoggaamiso.

Qaraarku wuxuu go’aaminayaa in UNSOM ay sii waddo isku -duwidda dadaallada Qaramada Midoobay, iyadoo la xoojinayo barnaamijyada dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka.

Qaraarka ayaa ugu baaqay dowladda fe犀利士 deraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay abaabulaan doorashooyin xor ah, xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay si waafaqsan heshiisyadii Sept. 17, 2020, iyo May 27, 2021, oo aan dib u dhac kale lahayn, waxayna ku booriyeen dowladda federaalka iyo federaalka dawladaha xubnaha ka ah in ay dhammaystiraan diyaargarowga muuqda ee ku aaddan doorashooyinka dalka.

Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Faderaalka ayaa loogu baaqay in ay xoojiyaan diyaar garoowga, wadatashida sal ballaadhan iyo dhisidda is-afgarad dhex mara dhamaan dhinacyada siyaasada ee Soomaaliya.

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay u hoggaansamaan waajibaadkooda sida waafaqsan sharciga caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah , waxayna ku celiyeen baahida qabo la xisaabtanka dhammaan kuwa mas’uulka ka ah ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada , rabshadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanah

Leave a Reply