Golaha Ammaanka Q/midoobay ayaa soo saaray warbixin ku aadan xiisada sii xoogeeysanysa ee somalia

New York Saturday “18” September “2021”

Golaha Ammaanka QM ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii uu warbixin siiyey eregyga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya James Swan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac qoto dheer ka muujinayaan khilaafka sii socda ee ka dhex-jira dowladda Soomaaliya iyo saameynta taban ee uu ku yeelanayo hanaanka iyo jadwalka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka.

“Golaha Ammaanka waxay ku boorinayaan dhammaan saamileyda inay muujiyaan is-xakameyn, waxayna hoosta ka xariiqayaan muhiimadda joogteynta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Xubanah Golaha Ammaanka ayaa sidoo ku booriyey dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, danta shacabka Soomaaliyeed darteed.

“Waa inay muhiimadda siiyaaaan qabashada doorasho nabad ah, daah-furan, la isku haleyn karo islamarkaana loo dhan yahay oo ku dhacda waqtigeeda, si waafaqsan heshiisyadii 17-ka September iyo 27-ka May,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijiyaan in khilaaf kasta oo siyaasadeed aanu ka weecin ficil loo mideysan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale xaqiijiyey ixtiraamka ay u hayaan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, seeraha dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

James Swan oo Xaaladda Soomaaliya uga Warbixiyay Golaha Ammaanka ee QM

Wakiilka Xogahaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xubnaha Golaha Amniga ee QM warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya ay xilligan ku sugan tahay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyay sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeellan karto jadwalka doorashada iyo hannaanka doorashada.

Goluhu wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan, wuxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal dan u ah Soomaaliya iyo in ay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay kuna dhacda muddadii lagu heshiiyay si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka in壯陽藥 ay hubiyaan in wixii khilaaf siyaasadeed ah aysan ka leexin tallaabooyinka mideysan ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Leave a Reply