Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray go’aankii Barlamaanka ee muddo kordhinta .
Gololaha Amniga Iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shirkoodii maanta ay ka yeeshay Xaaladda Soomaaliya waxay cambaareeyay talaabadaasi, waxaana ay ku tilmaameen mid sharciga balmarsan oo xiligaan dalka galin karta qal-qal siyaasadeed iyo khilaaf hor leh.
Sidoo kale waxaa walaac qoto dheer Goluhu ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xaalada siyaasadeed ee haatan jirta iyo jawiga ay ku yeelan karto isku xirnaanshaha federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada Soomaaliya iyo laamaha amniga, hanaanka abuuritaanka xoog iyo awooda lagu sii wadi karo hoos u dhigista Al Shabaab.
“Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika wuxuu walaac weyn a muujinayaa tallaabada kelida ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12-kii Abriil 2021, ee ku saabsanaa meel marinta qaraar uu saxiixay Madaxweynaha 13-kii Abriil 2021-kii, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember-2020 ee qaababka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa diiday kordhinta Farmaajo ee waqtiga madaxweynaha
Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii diiday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo in waqtiga loo kordhiyo, laakiin waxay taageereen dadaallada Midowga Afrika ee lagu caawinayo dhinacyada inay xalliyaan caqabadaha doorashada.
Xubnaha golaha ugu awooda badan UN-ka ayaa isugu yimid fadhi aan rasmi aheyn oo loogu tala galay in ay gacan ka geystaan wax ka qabashada qalalaasaha siyaasadeed ee hada ka socda dalka.
Toddobaadkii hore, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa soo gudbiyay mooshin ah in dib loo dhigo doorashada labo sano, taasoo si wax ku ool ah loogu kordhiyay muddada Madaxweyne Farmaajo. Waxay ka careysiisay deeq bixiyaasha iyo kooxaha mucaaradka.
” waxay ku baaqeen baahida loo qabo in Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay dib u billaabaan wadahadalka iyo baahida loo qabo in la dhaqan geliyo heshiiskii 17-kii Sebtember iyo baaqii Baydhabo,” ayuu yiri Wakiilka Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Mr TS Tirumurti.