9″ January “2023” Muqdisho
Hindisa sharciyeedkii ugu horreeyay oo ay hay,add amniga oo qaranka soomaliya leeyahay ayaa la horgeeay Xildhibanaada Golaha shacabka somalia. Dheeho.com
Golaha baarlaamaanka Somalia ayaa maanta ka shiray Hindise Sharciyeedka Hay’adda nabadsugida qaranka somalia ee NISA
Kalfadhiga ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.
Guddoomiyaha Guddiga Xeer-Hoosaadka Anshaxa iyo Xasaannadda Mudaneyaasha Golaha Shacabka Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa xildhibaannada u sharaxay xaadiridda fadhiyada Golaha, isaga oo uu sheegay in muhiim ay tahay isla-markaana Mudaneyaasha Golaha la doonaayo inay ka shaqeeyaan sharuucda muhiimka u ah dalka.