February ” 10″ 2021″ MUQDISHO-
Golaha Midowga Musharixiinta ayaa walaac ka muujiyay Jahawareerka Siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana Guluhu uu si gaar ah kaga hadlay marxaladda kala guurka ah ee dalku marao iyo sidoo kale khilaafka baahsane hareeyay in dalka ay doorasho la isla oggol yahay ay ka dhacdo.
Waxaa Golaha Midowga Musharixiintu ay ku baaqeen in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, iyadoo la amba qaadayo shirkii hore 17kii September.
Waxaa Goluhu uu taageeray soo jeedintii Puntland iyo Jubbaland ee ahayd in Magaalada Muqdisho lagu qabto shir lagu xalinayo arrimihii horay la isugu mari waayay ee ay ugu horreeyeen, Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka ee aan waafaqsanayn halbeega xubinimo, Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland, Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo