Golaha Shacabka oo Ansixiyay Guddiyada Addeega Garsoorka iyo La dagaalanka Musuq maasuqa

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xubnaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana Guddigaani ay ka kooban yihiin 9 xubnood  oo la dagaalami doona Musuq-maasuqa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha oo lhoray loogu gudbiyay

XAYEEYSIIN

Ansixinta Xubnaha kadib ayaa waxaa ka hadlay  Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka  Cabduqladir Maxamed Jaamac Ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in Guddigani ay shaqadooda qabsan doonaan, ayna tahay mid loo baahnaa in la ansixiyo.

xubnaha guddiga Adeega Garsoorka iyo xubnaha guddiga la dagaalanka musuq maasuqa ayaa waxa horay usoo gudbiyay Wasiirka, Golaha Shacabka ayaana mariyay aqrinta 3-aad Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka  Cabduqladir Maxamed Jaamac uu si weyn ugu mahad celiyay Xildhibaaanada.

XAYEEYSIIN

REAL STATE BURUUJ CONSTRUCTION COMPANY

Leave a Reply