Mudanaayasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ayaa Maanta ansixiyey hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed.
Hindise-sharciyeedkan ayaa waxaa oggalaatay 139 Mudane, waxaa diiday 2 xildhibaan, iyadoo cid ka aamustayna aysan jirin.

Dhanka kale Mudanayasha ayaa weli ka doodaya khrinta 1aad ee hindise-sharciyeedka hay’adda baaritaanka iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed.
Waxay sidoo kale akhrinta Labaad marsiin doonaan mudanayaashu hindise-Sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliyeed

Iyadoo lagu wado in ay qeybiyaan dib u eegista miisaaniyadda 2020-ka ee Golaha Shacabku hore u ansixiyay.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddomiye Ku Xigeenka Koowaad, Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey
