Golaha Shacabka oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 September

1″ May” 2021″ Muqdisho

Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsiga madaxweynaha kaddib u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sebtembar waxayna ku waafaqeen madaxweynaha.

Dhamaan xubnihii fadhiyay ayaa u wada codeeyay mana jirin ka hor timid. Bartamihii bishii la soo dhaafay ayay xildhibaanada golaha shacabka waxa ay ansixiyeen doorashada qof iyo cod oo muddo labo sano gudahood ah dalka ka dhacaysa,hase yeeshee waxaa ka horyimid maamul goboleedyada dalka,musharaxiinta iyo beesha caalamka.

Leave a Reply