16- August-2023
Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel Mariyey Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo maray aqrintiisi sadexaad.
Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo cod gacan taag ah la geliyay ayaa waxaa ka aamusay 4 xildhibaan, waxaa diiday 3 xubnood, waxaana oggololaatay 135 sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka BFS, Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo maanta guddoominayay kulanka golaha shacabka
Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige ayaa golaha Shacabka uga mahad celiyey ansixinta Hindise sharciyeedka Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, wuxuuna sheegay in hindisahani uu tiir weyn u yahay Wasaaradda Maaliyadda.