Golaha Shacabka oo Ra’isul wasaaraha siiyay waqti dheeraad ah oo uu ku soo dhiso golaha xukuumada

25″ July “2022

Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi ka yimid ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre oo ahaa in 10 maalin oo dheeraad ah la siiyo si uu u soo dhiso golle wasiiro oo tayo leh.

144 xildhibaan ayaa haa ugu codeeyay codsiga ra’isul wasaaraha, hal mudane ayaa diiday mana jirin cid ka aamustay, sida ay ku dhawaaqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Sacdiya Xaaji Samatar oo kulanka guddoomisay manta.

壯陽藥 – /wp:paragraph –>

Sida uu nidaamka ahaa, ra’isul wasaaraha ayaa heystay muddo 30 cisho ah oo uu ku soo dhiso xukuumaddiisa, balse la tashida badan oo uu la yeelanayo dhinacyada kala duwan ayaa keentay in waqti dheeraad ah u baahdo

Leave a Reply