31″ October “2022” Muqdisho”
Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay fariin u diray maamulka Somaliland iyadoo ay jirto xiisad la xiriirta mudo kororsi iyo muranka doorashada. Dheeho.com
Gabagabadii kulanka golaha wadatashiga qaran ee shirkoodii Muqdisho oo tacsi wadajir ah u diray shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarkii 100 ka qof ee 29 Oktoobar ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Golaha wadatashiga qaran ayaa ugu baaqay maamulka la baxay Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda xili ay jirto xiisad la xiriirta doorasho lagu mursan yahay
Golaha wadatashiga qaran ee somalia ayaa bogaadiyay dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, waxayna ugu baaqeen madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda ay heeystaan
Golaha Wadtashiga ee somalia ayaa Bogaadinayay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Si犀利士 da Oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo kooxda khawaarijta ah ee shabaab.
Golaha ayaa Amaanay sida ay u socoto howlaha gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka-iyadoo 5-ta qodob ee shirka ka soo baxay ay kala yihiin
1- Sugidda Amniga & Ladagaalanka Argagixisada
2- Gurmadka Abaaraha iyo La tacaalida Saaameeynta Isbadalka Cimilada
3- Dardargalinta Dib U eegista dastuurka
4- Dimuquraadiyeenta & Doorashooyinka
5- Jadwalka iyo habraaca wadatashiga Qaran Shaqo we Golaha