Galmudug oo laba dagmo oo cusub ku soo kordhisaya deegaanda hoostaga maamulkeeda

10″ July “2022” Galmudug” SONNA

Golaha Wasiirada Galmudug oo Baxdo iyo Wisil u aqoonsaday Degmooyin

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka golaha Wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib Wasaaradda Arrimaha Gu犀利士 daha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumada

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha Wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye

Leave a Reply