Golaha wasiirada oo lagu dhawaaqay iyo Muqtaar rooboow oo ka mid ah golaha wasiirada cusub

2″ Aug” 2022″ Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaw shaaciyay liiska Golahiisa Wasiiradda oo ka kooban Wasiiro, ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowle yaal.

Xukuumadda Cusub ayaa waxaa ka mid noqday xubno muddo siyaasadda ku soo jiray, kuwo ku cusub iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukumadda waxaa loo magacaabay Saalax Axmed Jaamac oo hore u soo noqday Wasiirkii Dastuurka.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda ayaa waxaa kamid noqday Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo muddo afar sano ah Xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho, isaga o壯陽藥 o 2018 laga soo xiray magaalada Baydhabo

Mukhtaar Roobow ayaa loo magacaabay wasiirka diinta iyo Awqaafta Soomaaliya.

Xukumadda Cusub ayaa waxaa la filayaa in la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka, si ay u meelmariyaan isla markaasna u guda galaan howlaha adag ee Horyaalla.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Akhaafta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, sida lagu baahiyay Liiska Golaha Wasiiradda.

Mukhaar ayaa in ka badan afar sano Xabsi guri ku ahaa magaalada Muqdisho, isaga oo 2018 laga soo xiray Magaalada Beydhabo.

Munaasabad lagu shaacinayo Liiska Golaha Wasiiradda oo hadda socota

Xafiis Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ka socota qaban qaabada Munaasabad lagu shaacin doono Golaha Wasiiradda.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalaya Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, Wasiiradda Cusub iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. .

Xukumadda Cusub oo sacadihii la soo dhaafay aad loogu hadal hayay Goobaha ay ku kulmaan Bulshada ayaa u muuqata in daqiiqadaha soo socda curan doonto.

Haddaba, halkaan kala soco liiska Golaha Wasiiradda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ee shaacin doono.

Leave a Reply