8-Feb-2024
Soomaaliya iyo Mareykanka oo kawada hadlay dagaalka Al-Shabaab
Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa la kulmay dhigiisa Kenya Aadan Ducaale oo ay ka wada hadleen iskaashiga istiraatijiyadeed ee dalalkooda. Xoghaye Austin ayaa uga mahad celiyay Ducaale doorka Kenya iyo ka qeyb qaadashada amniga gobolka iyo kan caalamka.Waxay kawada hadleen sidoo kale muhiimada in la sii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in laga wadashaqeeyo amniga iyo xasiloonida Badda Cas iyo Bab al-Mandeb.
Labada wasiir ayaa isku raacay in ay sii wadaan ka wada shaqaynta wax ka qabashada caqabadaha gobolka ee la wadaago.
Kenya ayaa kumanaan askari ka joog壯陽藥 a Soomaaliya, kuwaasoo Jubaland ku sugan, iyadoo hadda xukuumadda Ruto isku diyaarinaysa inay xadka ka dhisto saldhig la dejiyo askarta.
Mareykanka ayaa qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab, waxaana dalka ka jooga boqolaal askari oo tababar siiya Danab, sidoo kale fuliya duqeymo cirka ah, oo drones u adeegsada.