Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay saddex heshiis oo lala galay dalka

18-April-2024

犀利士

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo looga hadlay arrimo xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu ansixiyay saddex heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiiska koowaad ee ay golaha meel-mariyeen ayaa ah heshiis iskaashi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya, kaas oo kor loogu qaadayo xiriirka labada waddan oo ka wada tirsan ururka ganacsiga ee bariga Afrika.

Leave a Reply