Dadweyne careysan oo maanta isugu soo baxay  Muqdisho ayaa dhigay dibad-bax cabasho ah


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Muqdisho-2-May-2024 Dadweyne ka careysan dil loogu geeystay gurigiisa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Somalia oo ka yimid ooy furimaha dagaalka ayaa maanta iMuqdisho dhigay dibad-bax cabasho ah

Shacabka isugu soo baxay halkaas ayaa kasoo horjeeday dilka loo gaystay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar la sheegay inay habeen hore gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere ku qaadeen ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo ka hadlay falkaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, ayaga oo sheegay inay ka xun yihiin dilka sarkaalkaasi.

Sayid-Cali isaga oo gurigiisa joogo cadowga uu furimaha kula dagaalamaayay asoon dilin ayaa nin shaatiga uu wato la wato dilay” ayay tiri gabar kamid ah dibad-baxayaasha.

Sidoo kale ehellada marxuumka oo ka qayb-galay dibad-baxa ayaa sheegay in aanay aasi doonin maydka, illaa laga soo qabanayo dambiilayaasha.

Waxaa kale oo ay farriin u direen dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, taliyaha NISA iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.

La aasi maayo Sayid-Cali, illaa cadaalad aan ka helno dowladda waxaan ka rabnaa cadaalad” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka.

Allaha u naxariistee Saydi-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa kamid ahaa ciidanka lagu soo tababaray Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe, wuxuuse ugu dambeyn ku baxay isla gacanta ciidanka dowladda

Leave a Reply