Golaha Wasiiradda XFS oo maanta ansixiyay xeerar

19″ May”2022″Muqdisho

Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha Golaha Wasiiradda intooda badan ayaa looga dooday Xeer-nidaamiyaha  Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Ugu dambeyn, shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ay yeesheen waxaa lagu ansixiyay  Xeer-nidaamiyaha  Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Todobaadkiiba maanta oo kale ayuu qabsoomaa shirkaan, waxaana shir guddoon ka noqda Ra’iisul Wasaaraha markaas jooga, iyadoo diirada lagu saaro ka doodida marxaladda dalka iyo ansixinta hindiso sharciyeedyo kala duwan.