Golaha Wasiirrada somalia ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka argagixisada lagu cirib-tirayo

29″ September “2022” Muqdisho

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamse Cabdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sugidda amniga Magaalooyinka lala wareegay.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen,
Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaa犀利士 s ka midka ahaaa uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka ilaa hadda ay ka sameyeen doorkooda cirib tirka argagixisada.

Ra’iiszul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadda si fiican ugu baraarugay dhagarta argagixisada ee duullaanka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladdnimada, isla markaana banaystay maalka iyo nafta shacabka Soomaaliyeed, taasi oo keentay in bulshaddu hormuud ka noqoto howl-galka dib u xorraynta