Golaha Wasiirrada oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah iyo nuqulka heshiis lala galay

16-May-2024- Golaha Wasiirrada oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah iyo nuqulka heshiis lala galay

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Salah Jama ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga.

Wasiirada labada wasaaradood ayaa waxay golaha la wadaageen abaabulka iyo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii dambe uu ku yimid gaabis, kaasi oo maalmahan dhiig cusub lagu shubayo

Sidoo kale golaha ayaa waxaa loo qeybiyay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo nuqulka heshiiska loo qeybiyay xubnaha, sida ay ogaatay warbaahinta gudaha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxaa loo qeybiyay siyaasadda dowladda ee baraha Soomaaliyeed, kaasi oo ay soo gudbisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Golaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ansixiyay heshiisyaddii u badnaa ee dowladda Soomaaliya ay lasoo gashay dalalka saaxiibka la’ah, kaasi oo ugu cuslaa heshiiska difaac ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka iskaashiga dibedda ah, waxayna dalal waaweyn lasoo gashay heshiisyo muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka.