Waa Tuma Ergayga Cusub Ee Qaramada Midoobey U Soo Magacawday Soomaaliya?

4* May”2023″

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres, ayaa ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK ayaa noqon doonta madaxa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxa ayna xilka kala wareegeysaa ergeyga gaarka ah ee hataan Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomalaiya, James Swan, oo ah muwaadin Mareykan ah.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga wararka ee Qaramada Midoobey, António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqadii uu James Swan soo qabtay iyo hoggaamintiisa intii uu hayay talada ugu sarreysa xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Catriona Laing, kuma cusba arrimaha Soomaaliya oo waxa ay madax ka ahaan jirtay Xafiiska Horumarinta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya sannadihii 1993 ilaa 1994kii