4, December, 2020
Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa weerar afka ku qaaday Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo Ugaaska Xasan Ugaas Khaliif, isagoo si weyn uga soo horjeestay dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Xildhibaan Goodax ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu yahay shaqsi neceb beel gaar ah, isla markaana uu yahay shaqsi reer miyinimo ku weynaaday.
“Cali Guudlaawe Waa nin jecel inuu qabiil ka shaqeeyo waa nin isir naceyb ku jiro mana xamanaayo hortiis ka iri, dhaqankiisa reer miyiga ayuu wataa”ayuu yiri Goodax Barre.
Sidoo kale waxaa uu si weyn u dhaleeceeyay Ugaaska Beesha Xawaadle Xasan Ugaas Khaliif, isla markaana ku tilmaamay nin la aamusiyay.
“Ugaas Xasan waa kaas waa aamusiyeen waxaa la sheegayay isagoo meelahaas iska fadhiyo oo war wareegayay oo Jaad cunaayo, Hargeysa inuu u socdo ayaa maqlayay”
Dhinaca kale Goodax ayaa ka digay in sida xaaladda hadda ku socoto ay tahay in la soo doorto Xildhibaano Shabaab leeyahay, Baarlamaanka imaan doono uu noqdo Baarlamaan Shabaab, waxaana uu ku baaqay in laga digtoonaado qaabka hadda wax u socdaan