Faysal Cali waraabe Oo Muuse Biixi ka codsaday In ay Wadahadal

15″ November ” 2022

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa usoo jeediyay Ex. Madaxwayne Muuse Biixi in uu dhameeyo khilaafka dalka ka taagan isla markaana ay wada hadal diyaar uyihiin.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilku ku dhammaaday ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu qabanqaabiyo kulan lagu soo afmeero khilaafka siyaasadeed ee macnadarrada ah, ee kala qaybiyey dadkeenii xilligan adag. Waxaan ka cabsi qabaa in cadawgeenu fursad ka helaan xaaladdan taagan haddii ay sii jirto, oo ay khalkhal galiyaan deganaanshiyaha dalka.  Markasta waxaanu diyaar u ahayn wada-hadal.” Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa todobaadkan sheegay inayna Muuse Biixi uqoonsanayn madaxwayen, maadaama ayay yidhaahdeed uu dhamaaday wakhtigii ladoortay.

Xisboga Muuse biixi ee kulmiye ayaa shuruudo ku xiray wadahadalada ay cidsanaayaan Mucaar壯陽藥 adka

xoghayaha abaabulka xisbiga Kulmiye Sheekh Saleebaan ayaa sheegay inaanu xisbigu la galayn mucaaridka wada hadal aanay qayb ka ahayn ururada siyaasadu.

mar uu la hadlayey warbaahinta ayuu sheegay sidan “Ma jirto cid Madaxwaynaha kala hadli karta Doorashadda Madaxtooysdda, hadday cidi kala hadlayso 9 urur siyaasadeed iyo 3-dii hore u jiray oo isku noqonaya 12 urur ayaa kala hadli kara.

Sagaalkii bilood way ogolyihiin kororsiimana way diidan-yihiin,Liinsanka xisbiyada hadda jiraa wuxuu dhacayaa 26 Dicember, wixii ka dambeeya waxay noqonayaan ururro.” ayuu yidhi Xoghayaha Abaabulka Xisbiga Kulmiye Party Sheekh Saleebaan Siciid Cali

Leave a Reply