1-August-2023- Muqdisho
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan su’aalo weydiin ah la qaatay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia u qaabilsan arimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Ergayga ayaa Guddiga warbixin ka siiyey Sooyaalka Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidoo kale ahmiyadda ay wadahadalaas uleeyihiin Ummadda Soomaaliyeed.
Wadatashiyada waxaa ay bud-dhig u yihiin in la helo arragti loo dhanyahay iyo siyaasad mideysan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ka yeeshaan Wadahadallada Somaliland” ayuu yiri Mudane Guuleed oo ka warbixiyey kulanka.