Guddiga Baarista Dhacdadii Kenya Ee Ceel-Waaq oo Warbixin Hordhac Ah Soo Saaray

Guddiga dowlad Goboleedka Jubbaland ay u xil-saartay baaritaanka dadkii Ciidanka Kenya ay ku dileen deegaan hoostega Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay natiijo hordhac ah oo ku aadan baaritaankii ay sameeyeen.

Guddiga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya 22-kii bishii September 2020  afar ruux ka kexeeysteen deegaan Yaadho hoostega Ceel-waaq, isla markaana hal ruux la dilay, halka saddex kalena ay Guddiga dib ugu celiyeen qoysaskoodii marka hore laga watay.

Guddiga baarista dhacdada ee Jubbaland ayaa sheegay inay wada-haddalo xiligaan kula jiraan dowladda Kenya, ayna doonayan inay dib uga soo celiyaan Afar ruux oo heystaan, dhawaana ay dadkaas soo celinayaan

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay Afartaas ruux ka qabteen agagaarka koontiga Wajeer, kadibna ay afduubteen.

Sidoo kale Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay Gudigga loo xilsaaray dhacdadaan ayaa sheegay in lagu guuleystay wejiga Koowaad ee baartitaanka falkii geysteen Ciidanka Kenya, isla markaana ay weli socdaan baaritaano kale, ayna natiijada la wadaagi doonaan shacabka.

Gudigga ayaa Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool degmadaasi, iyagoona la wadaagay natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday baaritaanka.

Ciidanka Kenya ayaa dad shacab ah oo waxba galabsan ku dilay deegaan Yaadho oo hoostega Ceel-waaq, halka kuwo kalena ay afduubteen, waxaana dhacdadooyinkaas ka dhashay Banaanbax xoogan oo looga horjeeday Kenya oo ka dhacay Gobolka Gedo

Leave a Reply