11″ Aug” 2021″ Galmudug
Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.
Qodobka ugu culus ee habraac壯陽藥 an ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.
“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.
Musharaxiinta u tanaasulaya musharaxiinta kale ayaa laga dareemay doorashooyinkii kale ee ka dhacay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe.

Qoorqoor oo shaaciyay qaar ka mid ah Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay xilli dambe shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug
Axmed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug ayaa dib u soo celiyay qaar ka mid ah Senataradii hore ugu fadhiyay kuraasta Aqalka Sare halka uu dib u dhigey labo kursi oo ka mid ah kuraasta 8da ah ee laga soo doorto Galmudug oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.
LIiska musharaxiinta ee la shaaciyay:
1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

