Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo Ka Hadlay Mawqifkii Deni Ee Shirka Muqdisho

February ” 10″ 2021 Muqdisho-

Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021  ayaa ka hadlay Mawqifka Madexweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ee ahaa in Shir Magaalada Muqdisho isugu yimaadaan Dawlada wakhtigeedii dhacay ee uu hogaamiyo Farmaajo  iyo Dowladaha xubnaha ka ah, waxaana guddigu uu soo dhawweeyay arrintaasi.

XAYEEYSIIN”

War kasoo baxay Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021 ayaa lagu sheegay in guddigu uu soo dhaweynayo talabadaasi,”Guddiga badbaadada doorashooyinka qaran 2020-2021  wuxuu soo dhawaynayaa Mawqifka Madexweynaha puntland saciid cabdullahi Deni,Kan Madexweynaha Jubbaland Axmed maxamed islaan  iyo kan Gudoomiyaha aqalka sare oo ah in Shir Magaalada Muqdisho isugu yimaadaan Dawlada wakhtigeedii dhacay,dawladaha xubnaha ka ah dawlada dhexe,Midawga murashixiinta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Guddigu waxaa intaas uu ku daray in shirkaan lagu xalin doono waxyaabo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan qodobadii horay ay isugu fahmi waayeen Dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe, waxaana waxyaabaha si gaarka ah la isugu khilaafay ugu waaweynaa seddex qodob oo kala ah: Badalida xubnaha guddiga doorashooyinka ee aan waafaqsanayn halbeega xubinimo, Maaraynta iyo soo magacaabista xubnaha Guddiga doorashooyinka Somaliland, Xalinta maamulka, maaraynta Amni iyo doorasho ee Gobolka Gedo.

Shirkii horay uga dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa la isku mari waayay, waxaana shir kaasi uu ku dhammaaday fashil, iyadoo mas’uuliyiintii halkaa isugu tagay ay ku kala tageen shirka, kadib qodobada qaar oo la isku fahmi waayay.

Leave a Reply