8″ July 2021
Guddiga Dabagalka Mashaariicda Dowlad Goboleedka Hir-shabelle ee heerka Wasiiro oo uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Hey’adaha Kale duwan ee ka howlgala Hirshabelle islamarkaana mashaariicda ka wada Deegaanada Hirshabelle.
Shirkani oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Dabagalka Mashaariicda ahna Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga Iyo Xiriirka Caalimiga ah ee Hir-shabeelle Mudane Saadaq Salaad Warsame, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle Maxamed Dheere, Wasiirka Ganacasiga Yaxye Ismaaciil, Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta C.weli Sheekh Cali Cabdiwali, Wasiirka Batroolka, Maxamuud Wabar Xasan, Oo dhamaantood ka tirsan Guddiga Mashaariicda Hir-shabelle, Maamulka Heer Gobol iyo heer Degmo
Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Mas’uuliyiintii ka socday hey’adaha kuwaa ka warbixiyay Howlaha ay ka qabtaan Dhamaan Deegaannada Hirshabelle, iyo mashaariicda hadda socota, iyo qorshayaasha ay ka leeyihiin dar dargalinta Mashaariicda Horumarinta Ah iyo tan gar gaarka.
Waxa uu Guddiga hey’adaha kala hadlay muhiimada ay leedahay mashaariicda ay fulinayaan in ay ku saleeyaan Baahiyaha Deegaanka, islamarkaana ay Dowladda Hirshabelle iyo Hey’adaha ay ka wada shaqeeyaan Dar Dargalinta Mashaariicaha kale duwan oo ay Hirshabelle u baahantahay
Guddigani ayaa tan iyo markii la magacaabay ku howlanaa Dabagalka Mashaariicda Hirshabelle ay ka fuliyaan Hirshabelle iyagoo sidaan oo kale kulamo kula yeeshay Magaalada Muqdisho Hey’adaha UN-ka ee ka howlgala Xalane, waxaana sidoo kale meel wanaagsan maraya fulinta Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne oo ay maalgalineyso dowladda Talyaaniga.