18″ April “2022” Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Guddiga qaban qaabadada Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka guddiga waxaa shir guddoon ka ahaa Guddomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Xildhibaan Cabdrizaq Cumar Maxamed, iyadoo looga hadlay sidii loo gudo geli lahaa hanaanka doorashada Guddomiyaha iyo Ku Xigeenadooda, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta yeeshey kulan wadahir ayey ku ansixiyeen ajenjadaha xeerka wax ka badelka habraaca ku-meel-gaark ah ee u gaarka ah doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo tan Madaxweynaha, iyadoo Guddiga ay wadaan howlaha shaqo ee ay ku dardargelinayaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Buuq Hareeyay Baarlamaanka Cusub Markii Mahad salaad iyo Kulane jiis Ay Isku Sigteen In Ay Isku Gacan Qaadaan
Intii kulanku uu socday ayaa waxaa dhacay isku day qalalaase kicin ah, oo Xildhibaano diidanaa waqtiga la go’aamiyay ay kiciyeen, inka犀利士 stoo laga hor tagay buuqa ka dhalan rabay arrintaasi.
Xildhibaanada qaar ee taageersanaa waqtiga loo asteeyay doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka 11aad iyo Xubno kale oo kasoo hor jeeday ayaa ku sugtay in uu dhex-maro gacan ka hadal toos ah.
Xildhibaan Mahad Salaad iyo Kullane jiis oo labada dhinac kala taabacsanaa ayaa ku sigtay in ay isku gacan qaadaan, waxaana soo kala dhex galay Xildhibaanno kale oo baajiyay in ay si toos ah isku feeraan Labada Xildhibaan eek a wada tirsan Aqalka hoose ee Baarlmaanka 11aad.