Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo Goor Dhow Doortay Guddoomiye Cusub iyo R/was a are Rooble oo ka hadlay, Xilka Qaadista Guddoomiyihii hore


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

20″ March “2022” Jowhar” Radiodalsan

Guddiga hirgelinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta doortay Guddoomiye cusub, kadib markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddigaas doorashada Axmed Xasan Diini.

Xubnaha Guddiga doorashada Maamulka oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas u doortay Maxamed Xasan Maxamed Waadi oo uu saakay magacaabay Guudlaawe.

Guddoomiye Waadi ayaa laga sugayaa inuu hoggaamiyo Guddiga doorashada, isla markaana la dhammeystiro doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsan Hirshabeelle, kuwaasi oo kala yaalla Baladweyne iyo Jowhar.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini, kaasi oo lagu eedeeyay inuu khatar geliyay amniga xubnaha Guddigaas doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe ku taageeray tallaabada uu xilkii uga qaaday Axmed Xasan Diini, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda u hambalyeeyay Maxamed Waadi.

RW Rooble oo War Kasoo Saaray Xilka Qaadista Guddoomiyihii Guddiga SEIT Ee Hirshabeelle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay xilka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ku sameeyay Guddoomiyihii Guddiga doorashada Hirshabeelle Axmed Xasan Diini.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay inuu Rooble si dhow ula socdo juhdina ku bixinayo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda maamulada.

Ra’iisul Wasaaruha ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Hirshabeelle, kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini oo xilka qaadis lagu sameeyay

Rooble ayaa waxaa uu faray dhammaan Guddiyada doorashooyinka dalka inay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Magaalada Baladwayne loogu tartamo, si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan