Koonfur Galbeed oo soo gudbisay doorashada 11 kursi oo Golaha Shacabka ah & Rooble oo madaxda DG ka codsaday in la dadajiyo doorashada Aqalka hoose

Friday “19”November “2021” SONNA

Guddiga maamulka Doorashada (SEIT) ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa qabashada 11- kursi oo Gollaha Shacabka u soo gudbiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal. Kaasi oo la qaban doono todobaadka soo socda.

Rooble oo madaxda DG ka codsaday in qabashada doorashada BF aysan la dhaafin bil

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kuwaas oo dhawaan la qaban doono .

Sida ay isku waafaqeen Golaha Wadatashiga Qaran kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku yeesheen aaladda fogaan arraga 11-kii Nofeembar, doorashada Golaha Shacabka waa in lagu soo gabgabeeyaa muddo bil ah oo ka bilaabaneysa 20ka November kuna eg 20ka Secember, sidaa awgeed Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ku boorrinayaa Dowlad Goboleedyada kale ee iyaguna ku jira diyaar garowga in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabaan si looga fogaado dib u dhac kale oo hor leh,

Raysilwasaare Rooble ayaa sidoo kale yiri ” waa in qabashada doorashadu ay noqotaa mid xiriirsan oo aan kala go’ laheyn sidii dhacday doorashadii Aqalka sare oo waqti dheer qaadatay

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan Guddiyada Doorashooyinka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si doorashadu ay u noqoto mid hufan,daah-furan oo xalaal ah

Leave a Reply