13″April”2022,” Muqdisho
Ka dib wada hadalo saacado ka socday magaalada Baydhabo, guddiga doorashada heer federaal ee FIET ayaa dib u fasaxay Doorashada laba kursi oo ay hore 壯陽藥 u hakiyeen, kuwaasi oo deegaan Doorashadooda tahay Koofur Galbeed.
Xubno ka mid ah Guddiga FEIT oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga Muuse Gelle Yusuf, ayaa ku guulleystay xallinta tabashadii ka soo laabatay 3 kursi oo deegaan doorashadoodu ahayd Koonfur Galbeed.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in kuraasta HoP#204 iyo HoP#103 ay fasaxanyihiin, halka kursiga HoP#154 lagu celindoono doorashadiisa.
Guddiga ayaa sheegay in ay dib ka soo shaacin doonaan Jadwalka Doorashada kursiga HOP-154 oo deegaan Doorashadiisu tahay Baydhabo, kaasi oo lagu sheegay in ay u tartantay gabar aan qaangaarin.
Weli waxaa uu muran ka taagan yahay kursiga HOP-86 oo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin, kaasi oo ay Guddiga Doorashada sheegeen in aan loo marin habraacii saxda ahaa.