Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
21″ February “2022” Muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.
Xaruunta General Kaahiye ee Degmada Xamar jabjab ayaa lagu Doortay 3-kursi kamid ah 46-da kursi ee Xildhibaan aqalka hoose ee gobolada waqooyi ee Soomaaliland.
Ugu horeeyntii Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa Shaaciyay Natiijada kursiga HOP#243, oo ay kuwada Tartamayeen, Samsam Muxumed Cumar iyo Dallays Cali ibraahim
Waxaa tartanka ka tanaasushay Dallays Cali ibraahim, iyadoona intaas kadib Samsam Muxumed Cumar loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 100 Ergay, waxa ayna heshay 98 cod, waxa ka aamustay 2 qof .
Dhanka kale Gudiga Doorashooyinka SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#206 oo ay kuwada Tartamayeen Musharixiinta kala ah maxamed ibraahim Cabdi iyo Maryam ibraahim Cabdulaahi.
Maryam ibraahim Cabdulaahi ayaa ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada, maxamed Ibraahim Cabdi ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 100 Ergay, waxaagu helay 100 kii cod.
Ugu danbeeyntii Guddiga ayaa shaaciyay Natiijada hordhaca ah ee kursiga tirsigiisu yahay Hop#259 Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#259 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.