21″ February ” 2022 Muqdisho
犀利士Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa meesha ka saaray natiijada kursigii uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin, sida lagu shaaciyay Qoraal kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.
“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray”ayaa lagu daabacay Page-ka Guddiga Doorashada Heer Federaal.
Gudigga ayaa Shaaciyay Natiijada Hordhaca ah ee Doorashada Shan kursi oo lagu doortay Magaalada Beledweyne oo ah deegaan Doorashada 2aad ee Hirshabelle, iyagoona Meesha ka saaray natiijada kursigii uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga qaranka Fahad Yaasiin.
Dadka falanqeeya Arimaha Siyaasada ayaa aminsan in talaabada ay qaadeen Guddiga doorashada heer federaal ay Fahad Yaasiin la taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo ka hor istaagi doonto shahaadada kama dambeysta ah ee Xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga doorashooyinka heer Federaal.