MUQDISHO RADIODALSAN
Xaafiiska Diiwaan-geliyaha Xisbiyada Siyaasadda ee GMDQ ayaa shahaadooyin ku-meel-gaar ah guddoonsiiyey Lix (6) Xisbi oo cusub oo ka mid noqon doona xisbiyada sida ku-meel-gaarka ah u diiwaan-gashan. Munaasabada shahaadooyinka lagu guddoonsiiyey xisbiyada cusub ayaa ka dhacday xarrunta dhexe ee GMDQ ee Magaalada Muqdisho maanta oo taariikhdu tahay 7/10/2020.
Xisbiyada la diiwaan-geliyey ayaa kala ah:
1- Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda.
3- Xisbiga Cadaaladda iyo Dib U heshiisiinta
4- Xisbiga Jamhuuriga Soomaliyeed
5-Xisbiga Cagaaran ee Soomaaliyeed
Maxamed Maxamuud Xasan Sandheere oo ah Agaasimaha xafiiska Diiwaan-geliyaha xisbiyada ayaa furitaankii xaflada hadal kooban ka jeediyey isaga oo soo dhaweeyey dhamaan xisbiyada cusub oo ku soo biiray xayndaabka siyaasadda ee doonaya in ay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, waxaa uuna ku wargeliyey in shahaadada ay hadda qaadanayaan ay tahay ku-meel-gaar, balse ay xisbiyadu kaga qeyb-geli karaan oo kaliya doorashooyinka shahaadada rasmiga ah.
Dhinaca kale Xisbiyada oo ay gudoomiyeyaashoodu ka hadleen munaasabada ayaa ka mahad-celiyey sidii hufneyd ee uu GMDQ ula shaqeeyey intii ay ku guda jireen diyaarinta hawlaha is-diiwaan-gelinta maanta u qabsoontay.