11″ April “2022
Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa ka warbixiyay halka ay u mareyso howlaha shahaado siinta xildhibaanada labda aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan 14-ka Bishaan April 2022-ka.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Mowliid Mataan ayaa sheegay in wali xarunta guddiga ee Muqdisho ka wadaan shahaado siinta xildhibaanada JFS, isagoo xusay in tirade guud ee xildhibaanada qaadatay shahaada ay gaareyso laba boqol 壯陽藥 iyo afar xildhibaan oo labada aqal ah.
Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in shahaado bixinta ay barbar socoto u diyaar garowga iyo qaban qaabada xildhibaanadii shahaadada qaadatay la dhaariyo taasoo loo madalsan yahay 14-ka bishaan April ay ka dhacdo teendhada Afisyooni.
Dhinaca kale, Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada aan wali soo gaarin xarunta inay yimaadaan oo ay shahaadadooda qaataan si mas’uuliyadooda ay u gutaan.
“Runtii xildhibaan soo gaar xarunta, shahaadadaada qaado, Mas’uuliyadii aad shalay soo doonatay dhameystirkeeda ugu imoow xarunta, shahaadadaada qaado, ID-Card-kaga qaado, U dhaaro dalkaan si aad Caafimaadka wadanka iyo xaaladaha taagan oo lagu jiro looga baxo” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga FEIT Mowliid Mataan.
Hadalka Guddiga FEIT ayaa ksuoo aadaya, Iyadoo Xildhibaanada Maamulka Koofur Galbeed badankooda aysan qaadan shahaadada xildhibaanimo iyo kaarka aqoonsiga, taas oo salka ku haysa go,aan uu soo saaray Guddiga FEIT oo uu ku shaaciyay in dib loogu laabanayo doorashada kuraas afar ah oo seddex ka mid ah lagu soo doortay Magaalada Baydhabo, balse wixii intaas ka dambeeyay Koofur Galbeed ay sheegtay in xiriirkii iyo wada shaqeyntii ay la lahayd Guddiga FEIT iyo Xafiiska Rooble ay u jartay