Guddiga FIET oo shahaadada Xildhibaannamo siiyay Xubno maanta lagu doortay Ceelwaaq iyo Farmaajo oo wareegto ka soo saaray Doorashooyinka Ceelwaaq

22″ April” 2022″ Ceelwaaq

Guddiga Doorashada Heer Federal ee FIET ayaa caawa shahaadada Xildhibaannimo siiyay qaar kamid ah Xildhibaannadii maanta lagu doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Waxaa Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaatay Mudanayaasha kala ah:

  1. Abdullahi Abukar Haji (Carab) GSH#119
  2. Prof. Abdi Ismail Samatar AS#35
  3. Hassan Budul Ali GSH#079
  4. Jama Taqal Abbas GSH#230

Magaalada Ceelwaaq ayaa maanta waxaa lagu doortay 11 Xildhibaan oo kamid noqday Golaha Shacabka, taasi oo ku soo aadeysa Xilli Madaxweyne Farmaajo sharci darro ku tilmaamay Doorashooyinka is barbar socda ee ka socda Gobolka Gedo.

Farmaajo oo wareegto soo saaray ayaa sheegay in Doorashooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq ay baalmarsan yihiin heshiiskii Doorashada, isaga oo ku tilmaamay Sharci darro.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinkan ay yihiin kuwo isbarbar socda, isla markaasna cidii ku soo犀利士 baxda aaney noqoneyn Xildhibaan rasmi ah.

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.” ayaa lagu yiri Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Farmaajo.

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.