Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland Garabka Mahdi Guuleed Oo Guddoon Doortay

10″ July ” 2021 “Muqdisho

Guddiga maamulaya doorashada kuraasta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyagoona doortay Guddoon.

Qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in uddoomiyaha Guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeenkiisa loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Xubnaha is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo Saddex Xubnood oo ahaa xubnihii dheeriga ee laga soo magacaabay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Warar la helayo ayaa sheegaya in doorashadan aysan ka qayb-gelin garabka taabacsan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isla markaana Guddiga is doortay ay yihiin garabka Mahdi Guuleed Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Sida muuqata khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, iyadoo Guddigii labada garab ee ka yimid Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Leave a Reply