18 November-2023
Guddiga doorashada Puntland ee (PEC) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa go’aan cusub kasoo犀利士 saaray doorashada maamulkaasi oo ay weli ku muransan yihiin xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.
Guddiga PEC ayaa shaaca ka qaaday in mabda’ ahaan ay isla qaateen in maanta ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah waxa isku hayaan labada dhinac.
Guddoomiyaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lasii wado hannaanka doorashada, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada ugu horreyso oo ay qaban doonaan ay tahay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayna bilaabayaan 16-ka December.
“Waxaan isla garanay 16-ka December inay noqoto maalinta aynu daah-fureyno ama ay innoo bilaabaneyso dib u furista waxa la yiraahdo diiwaangelinta” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland.
Hadalkan ayaa ku soo aaday iyadoo Hogaanka ciidanka Danab ay ugu baaqeen madaxweynaha xilka kasii dagaya ee putland saciid dani in uu cafis weydiisto ciidanka iyo shacabka Puntland
Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab waxa uu Bulshada Puntland iyo Bulshada Soomaaliyeedba u cadeynayaa in Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Sayid Cabdullaahi Deni uu dambi ka galay Ciidanka Kumaandooska ee Danab, waxaana uu si cad u sheegay in ay yihiin cadowga Puntland” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. ciidamada Kumaandooska ee Danab.