Thursday, ” 30″ September “2021” Muqdisho
War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal gaar ahaan ayaa lagu sheegay in Madaxa xaqiijinta Qoondada haweenka ee Marwo Fadumo Maxamed Cabdilahi in Madaxa xaqiijinta Qoondada haweenka ee Guddiga dadaal xoogan ku bixisay sidii loo xaqiijin lahaa matalaada Haweenka kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada waqooyi Somaliland.
Sidoo kale qoraalka ayaa intaa la raaciyay in mar walba Guddiga Doorashooyinka ay dhexda u xiran doonaan sidii loo heli lahaa xaqiijinta Qoondada haweenka ugu yaraan 30%.
Sidaan ayaa lagu qoraalka Guddiga Door壯陽藥 ashooyinka ” Madaxa xaqiijinta Qoondada haweenka ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF) Marwo Fadumo Maxamed Cabdilahi ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii loo xaqiijin lahaa matalaada Haweenka kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada waqooyi Somaliland.
Waxaa kaloo lagu yiri “Marwalba Waxa ka go’an GHDHF inay dhexda u xidhaan sidii loo heli lahaa xaqiijinta Qoondada haweenka ugu yaraan 30%.
Doorashadii maanta ka dhacday muqdisho ayaa waxaa qeyb ka ahaa musharixiintii aqalka sare ee kusoo baxay labo haween ah oo lagu kala magaaco Naciimo Xasan Xaaji iyo Deeqa Xasan Xuseen, Iyadoo doorashadii maanta ahayd mid lagu dooranayay 5 kursi oo ka dhimanaa kuraasta 11 ka ah ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland maadama shalay la doortay 6 kursi oo Aqalka Sare ee BFS