21″ May”2022″ Muqdisho” SONNA

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa kula kulamay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad.
Safiirka oo犀利士 guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale, ka wada hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
