Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa saaray qoraal ku aaddan Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi
iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.
.