Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Doortay Guddoomiye Cusub

15″ January “2022” Muqdisho

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa goordhaweyd doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddigaas, kadib doorasho adeg oo Maanta ka dhacday Xarunta Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Muuse Geelle Yuusuf iyo Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, kuwaasi oo isku diiwaan-geliyey tartanka xilka Guddiga.

Gudoomiyaha cusub ee gudiga doorashada heer fadaraal Muuse Geelle Yuusuf

Xubnaha Guddiga ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal u doortay inuu noqdo Muuse Geelle Yuusuf oo helay codad gaaraya 14 Cod, halka Musharaxii kale Cabdiraxiin Cabdicasiis uu helay 11 Cod.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa horey u soo noqday Guddoomiyihii KMG-ka ee Guddiga doorashada, waxaana haatan uu bedelayaa Guddoomiyihii hore ee Guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo xilka qaadis lagu sameeyay.

Maxamed Xasan Ciro ayaa horay loogu eedeyay shaqa gudasho la’aan iyo ku milanka siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira, taas oo sababtay in xilka laga qaado.

Leave a Reply